Libaax iyo saddex dibi
(En løve og tre okser)
Waxaa meel kuwada noolaan jiray saddex dibi oo midabkoodu kala duwan yahay. Dibiga koowaad wuu caddaa, kan labaadna wuu casaa/guduudnaa, kan saddexaadna wuu madoobaa. Dibidaas oo nabad ku noolaa joogayna meel barwaaqo ah oo biyo iyo caws leh ayaa waxaa la soo dersay libaax soo dhumay. Markuu muddo deegaankii ku dhex jiray walina uusan dibidii arag ayuu wuxuu bilaabay ugaarsasho. Maalmo ka dib isaga oo ugaarsigii ku guda jira ayuu wuxuu u yimid saddexdii dibi oo daaqaya meel ay biyo ku jiraan agteeda. Libaaxii markuu arkay dibidii ayuu wuxuu go’aansaday inuu mid ka mid ah cuno, taasi waa u suuroobi weyday sababtoo ah dibidii ayaa ka arag horeeyay ka dibna inta ay soo jeesteen ayey dhinacyada isku qabteen. Libaaxii markuu arkay awoodooda iyo isku xirnaantooda wuxuu ogaaday inuusan si toos ah waxba uga qaadi karin inuu siro moogiye. Isaga oo ku fikiraya inuu siro dibidii xanaaq dartiis miciyada isla dhacaya/isku dhufanaya ayuu wuxuu la hadlay dibidii, wuxuuna ku yiri ’’ waxaan ahay libaax soo dhumay, abaar iyo cidlana ka soo cararay ee waxaan doonayaa inaynu nabad ku wada noolaano, cadawgana iska wada dugsano/dhicino’’. Dibidii arinta uu soo jeediyey libaaxii waa ay ka shakiyeen mudo markii ay ka fikireen waxay talo ku gaareen inay la heshiiyaan libaaxii oo talada uu soo jeediyey qaataan.
Heshiiskaas ka dib ayuu libaaxii wuxuu la sheekaystay dibigii madoobaa iyo kii casaa/guduudnaa wuxuuna ku yiri ’’ hadii dibiga cad aanan iska qaban habeenkii baa dugaaggu caddaantiisna inagu soo raacayaa ee hadaan cuno maxaad ka qabtaan’’. Labadii dibi waxay ogolaadeen taladii libaaxa markuu u sheegay khatarta ku jirta joogista dibiga cad. Saas ayuuna libaaxi ku cunay dibigii cadaa.
Markay mudo yar ka soo wareegtay geeridii dibigii caddaa ayuu libaaxii u yimid dibigii madoobaa , wuxuuna u sheegay in hadii dibiga casi/guduudani sii noolaado ay bahaladu ay na soo raaci doonaa sababtoo ah midabkiisa ayaa dhiig u eg, dhiiguna habeenkii ayuu dugaaga u iftiimaa. Taasina waxay keentay in dibigii labaadna halkaas uu ku cunnay.
Libaaxii markuu labadii dibi cunnay culeys weyna uu ka fududaaday ayuu wuxuu u yimid dibigii madoobaa markaasuu yiri waxaan doonaya inaan ku cuno. Dibigii madoobaa ayaa ku yiri ‘’ innagu balan ayeynu lahayn, ma inaan balanta iiga baxdid ayaad doonaysaa?’’
Libaaxii markuu intaas maqlay ayuu aad u qoslay wuxuuna yiri ‘’ markaad saddexdiinu wada joogteen, isku xirnaydeen waan idinka baqayey/cabsanayey, hadase markaad saaxibadaa inaan cuno ogolaatay ayaan ku tashaday inaan adigana kaa dabo geeyo saaxiibadaa, dibidii kale. Taasi waxay keentay in dibidii oo dhan ay halkaas lagu cuno iyaga oo aan xoog loo sheegan ka dib markii ay libaaxii isku meel uga soo wada jeesan waayeen.