Cumar beenaale

Waxaa jiri jiray nin wiil yar oo la dhihi jiray Cumar. Wiilkaas ari ayuu raaci jiray, wuxuu arriga ku raaci jiray meel baadiye ah isaga oo kaligiis ah.

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Cumar soo qeyliyey isaga oo sheegaya in arigii la raaciyey uu khatar ugu jiro waraabe. Isaga oo leh ‘ Allah waa waraabe ee i soo gaara’’

Dadkii tuulada joogay intay argagaxeen ayey degdeg ugu soo gurmadeen markay u yimaadeen Cumar , waxay arkeen inuusan waraabe meesha joogin, markaas ayuu u sheegay inay been ka ahayd. Dhowr jeer oo kale ayuu Cumar sidii sameeyay oo dadkii tuulada deganaa u soo gurmadeen oo ay markii kastaba ay been noqonaysay.

Markii la weydiiyey Cumar sababta ku kaliftay inuu been sheego wuxuu ku jawaabay ‘’ waan cidlooday waxaanan u baahday cid ila joogta’’ ka dib dadkii waxay u bixiyeen magaca Cumar Beenaale.

Maalintii afraad ayaa waraabihii si run ah u soo weeraray Cumar iyo arigiisii. Cumar aad iyo aad ayuu u qeyliyey si dadkii deganaa tuuladu ay ugu soo gurmadaane isaga oo leh ‘’ Allah waa waraabe, Alle waa waraabe’’. Dadkii deganaa dhag shalaq uma siin qeyladii Cumar sababtoo ah dhowr jeer oo hore ayuu been u sheegay. Waraabihii sidii ayuu Cumar uga cunay arigii la raaciyey ka dib markuu waayey cid u soo gurmata oo ka celisa waraabaha.

Sheekada waxay dersi u tahay in laga fogaado beenta . beenta waxay qofka dhaxalsiisaa inaan la aaminin sida ku dhacday Cumar Beenaale.

Su’aalo ku saabsan qorraalka: 

My Multiple Choice Quiz