(en skyldner frosk)

Waxaa la yiri Rah baa amaah/deyn qaatay, isaga oo baahi xumi hayso. Rahu waxa uu balanqaaday inuu deynta ku bixin doon muddo gaaban gudaheed. Laakiin, balantii ma oofin oo kama soo bixin. Markii qofkii deynta kulahaa weydiistay rahii inuu u soo celiyo waxa uu rahii ku jawaabay ‘’ Waryaa waxaan kuu sheegayaa annaga xilligaan oo kale oo roob noo da’ay oo meel walba biyo fadhiyaan hadii aan rah nahay waxba nalama weydiiyo oo ma miyir qabno oo waa waalannahay, oo marka aad wax fayoow aragtid wax weydiiso.’’ Ka dib qofkii deynta kulahaa waa uu iska tagay isaga oo la yaabsan.

Muddo ka dib ayuu ninkii ku soo noqday rahii, iyada oo dhulkii qalalan yahay oo xili jiilaal ah lagu jiro, rahiina uu dhoobo(carrada) ku dhex jiro. Markaasuu ku yiri ‘’ war rahoow bal hadda iska warran?’’ Markaas ayuu rahii intuu naxay ku yiri ‘’ Allah, war in yar oo naxariis ah sow qalbigaaga kuma harin? Ma xilligaan oo kale ayaa deyn la isku gudaa. Sow jiilaal daran kuma jirno.’’ Intaas ka dib ninkii deynta ku lahaa raha waa uu iska noqday isaga oo leh ‘’ Kaadi badane waa loo gogol badiyaa. Waxaadse ogaataa markaan marka xiga inaan kaa noqon doonin ilaa aad deyntii aan ku siiyey aad ii soo gudid(celisid).’’

Ninkii qaanta/deynta ku lahaa markuu dhowr bilood ka maqnaa ayuu rahii ku soo noqday. Xiligu waxa uu ahaa xili gu’ lagu jiro oo meel kasta roob ka da’ay, rahiina meelkasta ka qeylinayo oo uu leeyahay -qaaq, qaaq, qaaq, dhaa, dhaa’’ Ninkii waxa uu yiri rahii ‘’ War rahoow maxaad dhihi doontaa maanta. Ma jirto xaalad aan kaaga noqdo ee samee waxna kala saara. Ka dib rahii ayaa hadlay oo yiri ‘’ Waryaa xilligan oo kale cidda wax na weydiisa waa cid aan la socon aduunka waxa ka socda. Maanta oo kale rahu dhago uu wax ku maqlo kuma yaaliin. Bal iska noqo oo xili kale wax la kala garanayo ha noo ahaato.

Ninkii deynta ku lahaa rahii ayaa markaa hadalkii raha maqlay aad iyo aad u carooday/xanaaqay. Markaas ayuu ul weyn la booday oo uu ku garaacay rahii. Rahii intaas waa qeylinaayey. Waxaa la yiraahdaa raha cida/qeylada badan waxaa u sabab ah xanuunkii uu ninkaas u keenay.