(Fritidsaktiviteter)
Dadka waaweyn iyo dhalinyartu waxa ay ka siman yihiin in ay raadsadaan waxa ay ku bixiyaan xilliyada firaaqada. Xilliga firaaqada waxaa loola jeeda xilliyada uusan qofku shaqo ama waxbarasho ku mashquulsaneyn. Waa ay kala duwan yihiin hiwaayadaha ay dadku jecel yihiin oo ay waqtigooda ku bixiyaan xilliyada kala duwan ee ay firaaqada yihiin. Fasaxu waxa uu noqon kara waqti gaaban sida fasaxyada usbuuca aakhirkiisa, ama waxa uu noqon karaa fasax dheer sida xilliga xagaaga oo ay shaqaaluhu fasaxa yihiin, iskuuladuna xiran yihiin.
Waddankan Norway waxaa jira in ka badan 20 hiwaayadood oo ay dadku waqtigooda ku bixiyaan. Hiwaayadaha kala duwan sida ciyaaraha iwm waxa ay ka qeyb qaataan is dhexgalka bulshada, horumarka bulshadeed ee ubadka iyo dhalinyarta. Intii isku hiwaayad ahi waa ay kala faaidaystaan. Sidoo kale waxa ay ka qeyb qaataan caafimaadka maskaxeed ee qofka. ‘’hiwaayaduhu waxa ay ka qeyb qaataan in ay hore umariyaan is dhiirigelinta, fayoqabka iyo caafimaadka maskaxeed’’(Larson, 2000; Eccles et al, 2003). Is dhexgalku waxa uu keeni karaa in qofku uu ka barto dabeecado fiican iyo in uu muujiyo/banaanka soo dhigo kartidiisa iyo xirfada uu leeyahay.
Hiwaayahada oo ay dhalintu ku bixiyaan xilliyada firaaqadooda waxa ay yareeyaan dambiyada ay keenaan shaqo la’aanta ama firaaqada. Firaaqada badani waxa ay ku keeni kartaa qofka dhalinta yari inuu ku dhaco ama la saaxibo dadka dhalinyarta ka saara xadka. Xad ka bixiddu waxa ay noqon kartaa in qofku barta maandooriye taas oo keeni karta in qofku nolosha ka dhaco oo uu waxbarashada ka haro ama uu wadi waayo balwada xun darteed.
Si loo helo faaiidooyinka laga helo hiwaayadaha kala duwan waa in qofka dhalintayari uu yeesho hal hiwaayad ama wax ka badan taas oo uu ku bixin karo xilliyadiisa firaaqada. Hiwaayad qofku dhalintayari yeelanayo waxa ay ku xiran tahay hadba jinsiga uu yahay. Tusaale ahaan wiilashu waxa ay aad u jecel yihiin hiwaayadaha tartanku la socdo sida ciyaarta kubadda cagta, taas oo in badan oo waqtigooda ka mid ah ku bixiyaan in ay ciyaaraan kubadda ama ay daawadaan/fiirsadaan ciyaaraha ka dhaca waddanka ay ku noolyihiin ama wadamada kale ee ciyaartaas aad looga xiiseeyo sida waddanka Ingiriiska, Spain iwm.
Dhinaca kale haddii aan fiirino hiwaayadaha gabdhaha dhalinyarada ah waa ay kala duwan yihiin. Hiwaayadaha iskuulka ka dib waxaa jira gabdhjo dhigta dugsigga hoose dhexe kuwaas oo ka qeyb qaata ciyaarta kubadda gacanta. Qaar kalene waxa ay aadaan koorsooyin muusig iyo dabaal. Gabdhaha Soomaalida ah ee dhigta dugsiyadda sare qaar ka mid ah waa ay shaqeeyaan iskuulka ka dib oo ma helaan waqti ay ku bixiyaan hiwaayadooda. Qaar kalena waxa ay ka caawiyaan waaliddiintooda howsha guriga. Sidoo kale qaar ka mid ah gabdhaha dhalinyarta ah ee asalkoodu yahay Norwiiji waa ay shaqeeyaan iskuulka ka dib. Qaar kalena hiwaayadahooda ayey u helaan waqti ay ku bixiyaan. Hiwaayadahaas waxaa ka mid ah socodka, orodka, heesaha, Jiimka iwm.
Suaalo:
- Wax ka sheeg hiyaawadaha dhalinyartu waqtigooda firaaqada ku bixiyaan
- Ka waran hiwaayadaha wiilasha iyo kuwa gabdhaha
- Wax ka taataabo faaiidooyinka ay qof u leeyihiin hiwaayaduhu?
- Wax ka sheeg khasaarooyinka hiwaayadaha?
- Ma dhici kartaa in marmar hiwaayaduhu waqti dhumis noqdaan?