Kubadda cagta

(Fotball) 

Kubadda cagtu waa ciyaarta loogu daawashada badan yahay dunida. Ciyaartani waxa ay ka mid tahay hiwaayadaha dhalinyartu iyo dadka waawayni ay leeyihiin. 

Cali iyo Ole waa labo arday oo saaxiibbo ah oo isku xaafad deggan. Waxa ay wada dhigtaan fasalka 1aad ee dugsigga sare. Siddoo kale waxa ay ka wada tirsan yihiin oo ay u ciyaaraan naadiga xaafadoodu ka dhisan ee la yiraahdo ABC FK. 

Kooxda ay ka tirsan yihiin waa koox taariikh dheer ku leh ciyaaraha, gaar ahaan kubadda cagta. Labaddan wiil waxa ay tababartaan maalmaha isniinta, arbacada iyo sabtida. Tababarahooda waxaa lagu magacaabaa Fredrik. Xilliga ay tababaranayaan waxa ay sameeyaan tababaro kala duwan;  sida marka hore waa ay ordaan, ka dibna waa ay jimicsadaan, ugu dambeyntii macalinkoodu ayaa kubaddo (banooniyaal) u qeybiyaa oo xoogaa ay ku ciyaaraan. Ugu dambeyntii labo kooxood ayey isu qeybiyaan oo ay ciyaaraan. 

Cali iyo Ole Xilliyada ay fiiraaqada yihiin waxa ay isla daawadaan ciyaarta kubadda cagta. Waxa ay tagaan maqaayad ku taala magaalada ay degan yihiin maalmaha sabtiyada iyo axadaha. Halkaas waxa ay ku daawaadaan ciyaaraha ka socdo waddanka ingiriiska. Labadan wiil waxa taageerayaal u yihiin kooxda Liverpool. 

Labadan wiil waxa ay u arkaan in ciyaarta kubadda cagtu ay muhiim tahay, sababtoo ah waxa ay leeyihiin: intii aan meelo xun xun aan aadi lahayn waxaan fiican inaan ciyaarno ama aan daawano kubadda cagta.