(Yusufs Skole og ferie)
Yuusuf waa arday dhigta fasalka 2aad ee dugsiga sare. Yuusuf waxa uu dhigta dugsi ka mid ah dugsiyada sare ee ku yaala Gobolka Viken ee dalka Norway. Yuusuf waxaa uu dugsiga aadaa maalin kasta, laga bilaabo maalinta isniinta ilaa jimcaha. Sabtiga iyo axadda waa fasax oo waa uu nastaa.
Yuusuf waa arday aad u dadaal badan. Maadooyinka xisaabta iyo sayniska ayuu aad u jecelyahay. Marka uu iskuulka ka yimaado waxa uu tukadaa salaadda duhur, ka dibna waa uu qadeeyaa. Markaas ka dib waxa uu u fariistaa inuu sameeyo layliskii iskuulka looga soo diray. Ka dibna waxaa uu banooni/kubad la soo ciyaaraa kooxdiisa kubada cagta ee ka jirta xaafadiisa.
Marka iskuulka la xiro, waxa uu fasax u aadaa Soomaaliya. Halkaas waxaa degan adeerradiis, eeddooyinkiis iyo abtiyaashiis. Marka uu soomaaliya tago waxa uu jecel yahay in uu tago baadiyaha. Sababta oo ah waxa uu jecel yahay inuu soo arko oo sawirrana ka soo qaato dabeecadda dhulka soomaaliya, iyo in uu soo barto sida ay dadku u noolyihiin. Marka uu baadiyaha tago, howsha reerka ayuu ka qeyb qaataa oo ariga ayuu raacaa/ilaaliyaa. Inta uu ariga la joogo waxa uu akhristaa buugaagta uu iskuulka kala tegay oo kaliya. Sababta oo ah halkaas ma lahan mobile iyo ciyaaro kale oo koronto ku shaqeeya oo lagu mashquulo.
Marka ay duhur noqoto, Cigaal oo ah Yuusuf ina adeerkiis ayaa Yuusuf cunto iyo cabitaan ugu geeya halka uu ariga la joogo. Yuusuf iyo adeerkiis Cigaal waxa ay ka wada sheekaystaan nolosha baadiyaha Soomaaliya iyo tan Norway.
Qorraxdu marka ay sii dhacayso ayaa Yuusuf ariga uu subaxdii raacay gurigga ku soo celiyaa.
Yuusuf marka ay mudada fasaxu u dhamaato ayuu Norway ku soo noqdaa. Waxaa uu reerkiisa uga sheekeeyaa waxa uu soomaliya ku soo arkay.
Leylis
1) Yuusuf fasalkee ayuu dhigtaa?
2) Muxuu Yuusuf qabtaa maalmaha sabtida iyo axadda?
3) Maddooyinkee ayuu Yuusuf jecel yahay?
4) Fasaxa xagee ayuu aadaa?
5) Muxuu qabtaa xilliyada uu baadiyaha tago