Waxaa la yiri maalin baa dawaco istiri ceel biyo ka cab. Ceelkii bay ku dhacday. Markii ay biyihii ka dheregtay ayey istiri soo bax, hase yeeshee waa awoodi weysay. Sababta ay u soo bixi weyday waxay ahayd iyada oo jirkeedii uu isbedelay ka dib markii ay ceelkii gudihiisa biyo badan badan ku cabtay. Dhowr jeer bay isku dayday, laakiin way ku guulaysan waysay. Iyada oo sidaa u rafaadsan ayaa ri’ soo dul istaagtay. Ri’dii naf ahaanteedu waa ay oomanayd oo waxay islahayd biyo ka cab ceelka.
Ri’dii iyo dawacadii waxaa dhexmaray sheekhadaan soo socota:
Ri’dii: Alla waa ceel, hadda ayaan si fiican u oon bixi doonaa. Alla waa dawaco! Naayaahee Dawaco, maxaad ka qabanaysaa ceelka
gudihiisa?
Dawacadii: Waan ka cabayaa.
Ri’dii: Oo maxaad weelka dusha yaala uga cabbi weyday.
Dawacadii: Biyahan ayaa ka qaboow kuwa dusha, waana ay ka
macaanyihiin. Bal maad ila arkaysaa?
Ri’dii: Haa, beryahaanba waxaan ciil u qabay biyo aad u qaboow oo
macaan.
Dawacadii: Soo bood aniga ayaa ku qabanayee. (Ri’dii way soo booday)
Dawacadii: Saaxiib si fiican biyaha uga dhereg. Soow ma macaana?
Ri’dii: Aad bay u macaan yihiin.
Dawacadii: Riyey, bal biyihii cabtaye sidee baad ceelka uga baxaysaa?
Ri’dii: Wallaahi maba ka fikirin! Oo adigu sidee baad uga
baxaysaa?
Dawacadii: Anigu dhawr saacadood baan ku jiray. Walina ma garanayo sida aan uga bixi doono.
Ri’dii: Aad baan uga xumahay. Hadda maxaan sameynaa?
Dawacadii: Isug hadda fikrad cusub baan hayaaye.
Ridii: oo maxay tahay?
Dawacadii: Haddii aad ii ogolaatid inaan dhabarkaaga isku taago, banaanka ayaan u boodayaa, marka aan banaanka u baxo ayaan adigana xarig kuu soo tuuri doonaa ( Dawacadii inta ay ri’dii isku dul taagtay ayey banaanka u booday)
Dawacadii: Ri’yeey, saaxiib nabadgelyo.
Ri’dii: Nabadgelyo aa? Ma ilowday inaad iga saartid ceelka.
Dawacadii: Waxay ahayd in intii aan ceelka ku soo boodin aad ka fiirsato sidii aad uga bixi lahayd. Wax intaadan falin ka fiirso. (Dawacadii way iska tagtay. Markaasay ri’dii ciyday, laakiin wax ka saara ceelka ayey weyday, ka dibna halkaas ayey ku dhimatay)