Habeen ayaa labo bisadood/mukulaalood u soo dhaceen guri , ka dibna waxa ay ka xadeen hilib badan. Labadii bisadood hilibkii ayey ku dagaaleen iyada oo mid waliba ay doonaysay innay hilibka ka badsato tan kale. Heshiis la’aantaasi waxa ay keentay innay dagaalaan oo ay is xagxagtaan. Waa ay iskala daaleen isxagxagashadii ilaa dhaawacyo ay wajiyada iska gaarsiiyaan. Markii ay dagaalkii ka daaleen ayaa mid ka mid ah bisadihii u soo jeedisay tii kale ‘’ Naa waa taan isku dhimanaye aan u tagno garsoore si uu hilibka si cadaalad ah noogu kala qeybiyo’’. Bisadii kale taladii ayey ku raacday oo waxa ay tiri noo gee daanyeer si uu hilibka si cadaalad ah noogu qeybiyo.
Daanyeerkii ayey u yimaadeen. Hilibkii ayey hor dhigeen; si uu si isla eg/siman ugu qeybiyo. Daanyeerkii waxa uu soo qaatay mindi iyo miisaan. Hilibkii buu laba u qeybshay. Qebba kafad/dhinac ayuu ayuu miisaankii ka saaray. Kolba dhici cuslaada ayaa cad ka soo jara oo uu cunaa ilaa uu hilibkii ay bisaduhu u keeneen dhamaantiis uu ku cunnay. Markaas ayuu labadii bisadood ku yiri : ‘’ Sidaas bay midkiinaba qeyb dheeraad ahi ku raacin’’. Markaasay labadii bisadood aad iyo aad u caroodeen. Waxa ay sameeyaana waa ay garan waayeen. Bisad baa tii kale ku tiri: ‘’ Bal hadii aan markii hore si fiican ugu heshiin lahayn qeybsiga hilibka intaas oo khasaaro ah nama soo gaareen’’ Markaasay tii kale tiri: ‘’waa runtaa’’