Deris wanaagsan

(Et fint nabolag)

Intii ay aduunyadu jirtay dadku waa ay wada noolaayeen. Sababta oo ah wada noolaashaha waxaa ku jirta danta dadka, maadaama ay jiraan arimo ay dadku wadajir u qaban karaan  oo uu qof kaligii uusan qaban karin. Dadka meel kuwada nool waxaa ugu yar deris. Derisku waa dadka ku nool hareeraha guriggaaga. Dadka guriga kugula nool waxaa lagu magacaabaa qoys.

Sida caadiga ah dadka deriska ah ee Soomaaliya ku nool kulankooda waa uu badan yahay. Waxa ay shan jeer kuwada dukadaan masaajida, sidoo kale waxa ay isku arkaan goobaha kale sida dukaamada, iskuuladda iyo goobaha ciyaaraha. Deriska ku nool Norway waxa ay badanaa isku arkaan goobaha ciyaaraha iyo iskuulada.

Dadka deriska ah xaq ayey isku leeyihiin, kaas oo noqon kara in deriska wixii samofal ah loo sameeyo sidoo kale in laga ilaaliyo wixii deriska dhibaya.

Wanaaga deriska loo sameeyo waxaa ka mid ah in hadii uu wax kaaga baahdo inaad siisid, in hadii uu xanuunsado in aad soo booqatid iwm. Nabigeena(Nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaatee) wuxuu yiri ‘Markii uu jibriil igala dardaarmay xaqa deriska isku leeyahay marbaan is-iri waa ay ku dhaxlayaan’’  Sidaa darteed waa inaan deriska ixtiraamno oo aan soo dhoweynaa, wixii wanaag ah oo aan u sameyn karo aan kala dib dhicin.

Sida aan kor ku soo sheegnay waa inaan deriska wixii dhibaya aan ka ilaalino. Wadankii aan ka nimid ee Soomaaliya iyo kan Norway iyo aduunka oo dhan dhibka ugu bada nee ay deriska ka cawdaan waxaa ka mid ah buuqa ama codka dheer ama qeylada ka timaada baabuurka, caruurta, aaladaha wax lagu jaro sida tan cowska lagu jaro iwm. Rasuulkeenii (N.N.K.H)  mar la weydiiyey arrinka haweeneey salaada iyo soonka iyo sadaqada ku dadaasha laakiinse u xumayd deriskeeda waxa uu yiri ,‘waa la cadaabayaa waayo deriskeeda bay dhibtay’’

Waa muhiim inaan la ogaado in deriska hadii aad isku diin tihiin iyo hadii aad kala diin tihiinba in xaqa deriska uu markasta jiro. Hadaba waa in derisku is weheshadaan oo ay wanaag iyo baniaadanimo ku wada noolaadaan. Hadii ay taasi dhacdo waxaa imaanaysa derisnimo wanaag iyo dadka isku xaafadda degan in ay wanaag kuwada noolaadaan oo uu yaraado dhibka iyo is naceybka dadka isku xaafadda degan.

Suaalo

Adiga oo tixraacaya qoraalka kor ku qoran ka jawaab su’aalahan soo socda:

  1. Sharax erayadan :
    1. Qoys
    1. Deris
  2. Wax ka sheeg xaqa derisku kugu leeyahay ?
  3. Dhibka ay derisku ka cawdaan maxaa ka mid ah?
  4. Qofka deriskiisa dhiba muxuu Allah kala kulmayaa?
  5. Sidee ayaad ula dhaqmaysaa deriskaaga?