(Et fint nabolag)

Intii ay aduunyadu jirtay dadku waa ay wada noolaayeen. Sababta oo ah wada noolaashaha waxaa ku jirta danta dadka, maadaama ay jiraan arimo ay dadku wadajir u qaban karaan  oo uu qof kaligii uusan qaban karin. Dadka meel kuwada nool waxaa ugu yar deris. Derisku waa dadka ku nool hareeraha guriggaaga. Dadka guriga kugula nool waxaa lagu magacaabaa qoys.

Sida caadiga ah dadka deriska ah ee Soomaaliya ku nool kulankooda waa uu badan yahay. Waxa ay shan jeer kuwada dukadaan masaajida, sidoo kale waxa ay isku arkaan goobaha kale sida dukaamada, iskuuladda iyo goobaha ciyaaraha. Deriska ku nool Norway waxa ay badanaa isku arkaan goobaha ciyaaraha iyo iskuulada.

Dadka deriska ah xaq ayey isku leeyihiin; kaas oo noqon kara in deriska wixii samofal ah loo sameeyo,  sidoo kale in laga ilaaliyo wixii deriska dhibaya.

Wanaaga deriska loo sameeyo waxaa ka mid ah in haddii uu wax kaaga baahdo aad siisid, in haddii uu xanuunsado aad soo booqatid iwm. Nabigeena(Nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaatee) wuxuu yiri ‘Markii uu jibriil igala dardaarmay xaqa deriska isku leeyahay marbaan is-iri waa ay ku dhaxlayaan’’  Sidaa darteed waa inaan deriska ixtiraamno oo aan soo dhoweynaa, wixii wanaag ah oo aan u sameyn karo aan kala dib dhicin.

Sida aan kor ku soo sheegnay waa inaan deriska wixii dhibaya aan ka ilaalino. Waddankii aan ka nimid ee Soomaaliya iyo kan Norway iyo aduunka oo dhan , dhibka ugu badan ee ay deriska ka cawdaan waxaa ka mid ah buuqa ama codka dheer ama qeylada ka timaada baabuurka, caruurta, aaladaha wax lagu jaro sida tan cowska lagu jaro iwm. Rasuulkeenii (N.N.K.H)  mar la weydiiyey arrinka haweeneey salaadda iyo soonka iyo sadaqada ku dadaasha laakiinse u xumayd deriskeeda waxa uu yiri ,‘waa la cadaabayaa waayo deriskeeda bay dhibtay’’

Waa muhiim inaan la ogaado in deriska haddii aad isku diin tihiin iyo haddii aad kala diin tihiinba, in xaqa deriska uu markasta jiro. Hadaba waa in derisku is weheshadaan oo ay wanaag iyo baniaadanimo ku wada noolaadaan. Hadii ay taasi dhacdo waxaa imaanaysa derisnimo wanaag iyo dadka isku xaafadda degan in ay wanaag kuwada noolaadaan. Ugu dambayntiina waxaa meesha ka baxaya ama yaraanaya dhibka iyo is naceybka dadka isku xaafadda degan dhexdooda ka dhici kara.