Cimilada // Været

Cimiladdu waa isbedelka ku dhaca jawiga naga sareeya maalin kasta. Isbedelku wuxuu noqon karaa heerkul sida: qaboow iyo kuleyl sidoo kale jawigu wuxuu noqonkaraa  roob, baraf, dabeyl  iyo dhedo. Qaaradaha adduunka jawigoodu waa kala duwan yahay sidaas darteed, wadan kasta jawigiisu wuxuu ku xiran yahay hadba qaaradda uu aduunka kaga yaal. Wadamada qaarkood jawigoodu, sida Norway , waxa uu u badan yahay qaboow, halka wadamada qaarkoodna, sida Soomaaliya , jawigoodu sida badan waa kuleyl.

Cimiladu waxa ay ku xiran tahay hadba xiligga  lagu gudo jiro. Si caadiga ah sanadkiiba waxa uu leeyahay afar xili, kuwaas oo kale ah Gu’, deyr, xagaa iyo jiilaal.

Jawiga ay keento cimiladu wuxuu saameyn ku yeeshaa dhammaan dadka, xoolaha iyo noolaha/xayawaanada kale. Dadka ku nool wadamada qaboow waxay xirtaan dhar siinaya jirkooda kuleyl. Guryahana iyo baabuurtana/gawaarida waxa ay ku isticmaalaan kuleyliyayaal xiligga uu qabowgu  jiro. Sidaa si la mid ah dadka ku nool wadamada kulul, waxa ay isticmaalaan dhar jilicsan oo qabow siiya jirkooda. Guryaha iyo baabuurtana waxa ay u isticmaalaan qaboojiyayaal xilliyada kuleylku jiro.

Cimiladu waxaa kale oo ay saameysaa qaabka ay u noolyihiin bulshooyinku. Dadka degan wadammada qaboow waxa ay u badan yihiin in in badan oo sanadka ka mid ah ay guryaha ama goob xiran ku dhex jiraan oo aysan banaanka u soo bixin. Sidoo kale xooluhu waxa ay ku xareysan yihiin guryo loogu talo galay.

Sida caadigga ah dadkaasi waxay ku ciyaaraan waqtiga firaaqada  garoomo ciyaareed dedan/hoolal. Taasna waxaa u sabab ah jawiga oo aan u ogolaaneyn in ay banaanka/dibadda u soo baxaan. 

Sidoo kale jawigu wuxuu xaddidaa dadka ku nool wadamada kulul. Tusaale ahaan waa ay adag tahay in shaqaaluhu, gaar ahaan kuwo guryaha dhisa,  shaqeeyaan saacado ka mid ah maalinta, sida marka ay qoraxdu joogto kala barka(12-ka duhurnimo), sababta oo ah kuleylka ayaa gaara heer aad u sareeya ama ku dhowaad 40°-45°

Gabagabadii cimilada ka jirta wadan kasta  waxaa saameysaa qaab nololeedka dhamaan dadka degan wadankaas iyo sidoo kale xoolaha laga dhaqdo wadankaas.