Xilliyadii ugu dambeeyey waxaa caalamka ku soo kordhay isticmaalka aaladda kombuyuutarka. Waxaa la sameeyey barnaamijyo caawiya xiriirka bulshada iyada oo la isticmaalayo internetka. Barnaamijyadaas waxaa ka mid ah Facebook, twitter, Myspace, Youtube iwm.
Facebook-ga oo ka mid aaladaha ugu balaaran ee loo isticmaalo xiriirka bulshada waxaa la asaasay sannadku markuu ahaa 2004, waxaana asaasay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Mark Zuckerberg. Zuckeberg waxa uu ugu horeyntii ugu talo galay Facebook-ga in ardayda jaamacadda uu dhiganayey ee Harvard ku xiriiraan oo ay isku dhaafasadaan xogaha, sawirada iwm.
Barta Facebook-ga waxa ay dadka u fududaysaa inay si fudud oo lacag la’ahaan u xiriiraan xogaha kala dula duwana isku dhaafsadaan. Xiriirku waxa uu noqon karaa mid maqal iyo muuqaal ah. Qofku waxa uu la xiriiri karaa asxaabtiisa, waalidkiisa iyo qaraabadiisa meel kasta oo ay adduunka ka joogaan. Waxa uu doonayana waa la wadaagi karaa dadkaas sida: sawiro, qoraalo, filimo iwm.
Isticmaalaha Facebook-ga waxa uu aragtidiisa ama waxa qalbigiisa ku jira ku qori karaa boggiisa Facebook-ga. Sidoo kale waxa uu asxaabtiisa la wadaagi karaa xaaladda ama goobta uu markaas ku sugan yahay. Sida xaaladiisa caafimaad, farxad ama murugo hadba tan uu ku jiro iwm. Waxaa kale oo dhacda in qofku ku cabirro ama ku falanqeeyo bartiisa facebook-ga arimaha siyaasada, bulshada iyo deegaankaba.
In kasta oo ay barta Facebook-ga laga helo faaiidooyin farabadan hadana kama marna in ay khasaaro wadato. Khasaaraha ugu weyn ee lagala kulmo facebook-ka iyo aalladaha la mid ka ah waa waqti dhumis. Khasaarooyinkeeda waxaa ka mid ah in ay yaraatay xiriirkii jir- ahaaneed ama weji ka weji ay isku soo hor fariisan jireen dadku. Soomaaliya iyo wadammada kale si Norway, dhalinyrtu waagii hore si toos ah ayey u wada kulmi jireen oo u haasaawi jireen. Hadda kulanka noocaas ah waa yaraaday oo goobta kulanku waxa ay noqotay internetka. Waxaa aad arkaysaa xilliyada lagu jiro firaaqada iskuulka, labo arday oo is dhinac fadhiya oo aan wada hadlayn, sababta oo ah mid kasta waxa uu ku jiraa Facebook-ga oo uu la sheekaysanaayo qof kale oo meel kale jooga ama uu daalacanayo wararka ku jira facebook-ga. Tani waxa ay keeni kartaa in qofkii bulshada ka dhex baxo oo ay ku dhacdo niyad jab(Depresjon) iyo jaceyl cidlo ku noolaasho.
Khasaaraha uu keeni karo isticmaalka facebook-ga waxaa ka mid ah in la isku caayo ama la isku xad gudbo, isaga uu qof garanayn dhibka uu u keeni karo qofka uu aflagaadeynaayo. Waxaa dhici karta in facebook-ga la isku dhaafsado sawir qof qaawan kaas oo qof laga soo xaday taas oo ah xad gudub keeni kara in qof sameynaya lagu qaado dembi ciqaabeed oo uu ku mutaysan karo ganaax ama xabsi.
Cilmi baaris lagu sameeyey dalka Mareykanka laguna soo bandhigay barta pediatrics.aappublications.org waxa ay sheegaysaa in 22% dhalinyarta isticmaasha baraha bulshada ay galaan aaladahaas in ka badan 10 jeer maalintii. Taasi waxa ay na tusinaysaa in balwad laga dhigtay isticmaalka aaladahaas. Qabatinkaas/balwadaas waxaa uu keeni karaa khasaare caafimaad, taas oo ay ka mid ahay hurdo la’aan , xanaaq badan iyo maalinta ku xigta marka uu ardaygu iskuulka yimaado daal dartiis ay ku adkaato inuu la socdo xiisadaha ka socda fasalkiisa .
Waxaa noo muuqata in barta bulshada Facebook-ga ama weji buugga ay leedahay faaiidooyin iyo khasaarooyin. Waxa ay ugu baahan tahay qof dhalinyarta ah inuu iska xaddido isticmaalkeeda. Sidoo kale waalidiinta waxaa laga doonayaa inay la socdaan qaabka ay caruurtoodu u isticmaalaan aaladdaas iyo guud ahaan internet-kaba.